Wasiirka Caafimaadka oo kulan la yeeshay dhiggiisa Jordan si loo xoojiyo iskaashiga caafimaadka

Amman: Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo safar shaqo ku jooga magaalada Amman ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Jordan Dr. Ibraahim Mahfuz Al-Badour.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinaca caafimaadka, gaar ahaan kordhinta khibrad-wadaagga, abuurista fursado waxbarasho iyo tababaro caafimaad oo loogu talagalay dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loo horumariyo aqoontooda iyo xirfadahooda adeegyada caafimaadka.

Wasiir Dr Cali Xaaji Aadan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jordan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan cusub uu noqonayo mid wax ku ool ah oo gacan ka geysanaya tayeynta adeegyada caafimaadka ee dalka.