Dowladda Soomaaliya ayaa Gelinkii dambe maanta Guddoontay Shixnad Daawada Talaalka Covid-19 oo ka timid Dowladda Shiinaha.
Munaasabadda wareejinta daawada talaalka oo ka kooban shan boqol oo kun oo dose kadib munaasabad wareejinta ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle.
Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS, Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Faarax iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya FEI Shengchao