Qaahira- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahdo dhibaatooyin isbiirsaday sida colaado, abaaro, fatahaado iyo cudurro faafa oo culays weyn saaraya nidaamka caafimaadka.
Wasiirka oo ka qayb galaya Shirka 72-aad WHO ee Gobolka Bariga Mediterranean (RC72) ayaa ka hadlay xaaladaha degdegga ah ee caafimaad ee gobolka, isagoo soo jeediyay in wax laga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira Mandiqadda.
Wuxuu bogaadiyay adkeysiga shacabka iyo taageerada WHO iyo bahwadaagta, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo maalgelinta waarta si loo dhiso nidaam caafimaad oo adkeysi leh xilliyada xaaladaha degdegga ah.