Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, ayaa guddoomiyay kulammo muhiim ah oo ka tirsan Shirka 73aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO EMRO), kaas oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Guddoominta Wasiirka ayaa muujinaysa doorka hoggaamineed ee Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay go’aan-qaadashada iyo jihaynta siyaasadaha caafimaadka ee heer gobol, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso matalaaddeeda iyo saamaynteeda fagaarayaasha caafimaadka caalamiga ah.
Shirkan oo sannad walba ay isugu yimaadaan wakiillada 22 dal oo ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee WHO, ayaa lagu gorfeeyaa arrimaha ugu waaweyn ee caafimaadka, laguna dejiyaa go’aanno iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo caafimaadka malaayiin qof oo ku nool gobolka.
Soomaaliya ayaa maanta ka mid ah dalalka codkooda iyo kaalintooda hoggaamineed ay ka muuqdaan shirarka caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami, taas oo ka tarjumaysa dadaallada lagu xoojinayo diblomaasiyadda caafimaadka iyo iskaashiga caalamiga ah.





