Wasiirka Caafimaadka oo Geneva kaga qeyb galay madasha 76-aad ee golaha Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr, Cali Xaaji Aaden iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly) oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Halku dhigga madasha ee sanadkan ayaa ah “Badbaadinta Nolosha iyo sii wadidda horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan, iyadoo madaxda iyo wufuuddii ka qeybgashay kulanka ay ku lafa gurtay go’aannada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah oo ay kamid yihiin  soo jeedinta miisaaniyadda barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030), qorshaha yoolka Caafimaadka loo dhan yahay ee Caalamiga ah (UHC), habraacyada  jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka iyo guud ahaan u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

Golaha Caafimaadka Adduunka waa madasha  go’aamisa hanaanka caafimaadka dunida, waxaana isku dubarida agaasinkeeda Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Madasha ayaa kulmisa sanad walba madaxda Caafimaadka Dowladaha Adduunka iyo Hay’adaha arrimaha Caafimaadka, si ay u go’aamiyaan ajendaha, siyaasadda, farsamooyinka iyo xeeladaha sida ugu wanaagsan, si loo hubiyo nidaam caafimaad oo caalami ah oo mideysan kaas oo lagu wada gaari karo  yoolka Caafimaadka loo dhanyahay ( Universal Health Coverag (UHC) .