Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qeybgalay Shirweynaha 78-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada JFS Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay Shirweyne looga hadlaayey daaweynta cudurrada ku dhaca wadnaha, Kilyaha iyo Dheef-shiidka,kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Caafimaadka Adduunka (WHA78).

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay shirweynaha 78-aad, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ka hortagga cudurrada faafa (NCDs), kuwaas oo ku sii kordhaya gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba.

Wasaaradda caafimaadka & daryeelka bulshada JFS waxaa ka go’an xoojinta nidaamka daryeelka caafimaadka si loo helo daaweyn waqtiyeysan iyo caafimaad waara.