Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.
Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo IGAD, iyadoo ay mudnaanta koowaad la siin doono, horumarinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado tababar iyo shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada Beeraha.
IGAD waxay balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada dadaalada iskaashiga ah ee lagu horumarinaayo nolosha bulshada, laguna xoojinayo xasiloonida gobolka.