Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow ayaa ka qeyb galay Shirka madasha caalamiga ee Cunnada iyo Beeraha (Global Forum for Food & Agriculture) oo ay isugu yimaadeen 70-wasiir iyo in ka badan 2000 oo wafuud oo ka kala socdey hay’adaha, deeq-bixiyaasha iyo daneeyayashaasha aarimaha wax soo saarka beeraha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa shir doceedyo la yeeshey wasiirada beeraha ee Dowladaha Jarmalka,Norway,Talyaaniga,Nederland iyo Kenya,wuxuuna kala hadlay horumarinta iyo kor u qaadista wax soo saarka dalka.
Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay wadatashiyo kula yeelaneyso khubarada iyo xeel-dheerayaasha beeraha caalamka si loo gaaro isku filnaan xagga wax-soosaarka ah.