Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa soo xiray kulan laba maalmood socday oo ay yeesheen Wasaaradda Beeraha Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada, kaas oo lagu xoojinayay wada shaqeynta iyo isku duwidda horumarinta Beeraha dalka.
Kulanka ayaa lagu gaaray go’aanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha Habka Qaran ee Isku duwidda Beeraha, qabashada shirar joogto ah oo lagu qiimeenayo horumarka beeraha, hirgelinta Diiwaanka Qaranka ee Beeraleyda, iyo sameynta nidaam casri ah oo lagu maareeyo xogta sugnaanta cuntada iyo Nidaamka Digniinta hore u digidda
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta Federaalka iyo Dowlad goboleedyada si loo dhiso hannaan qaran oo mideysan, kaas oo noqonaya xarunta laga heli doono xogta beeraha dalka, laguna dardargelinaayo horumarinta wax soosaarka iyo sugnaanta cuntada Soomaaliya.

