Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka , Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibroow ee XJFS, ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Howl-wadaag.
Wasiirada iyo wafdiga ay hogaaminaayeen ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo maamulka degmada, halkaas oo uu ka dhacay kulan muhiim ah oo lagula hadlay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
Intii uu socday kulanka, Wasiirradda waxay dhalinyarada ku boorriyeen inay qaataan Kaararka Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyagoo xusay in mustaqbalka horumarka iyo go’aan-qaadashada degmada ay si toos ah ugu xiran tahay ka qaybgalka shacabka iyo codkooda.
Sidoo kale, Wasiirrada waxay tilmaameen in bulshada loo fududeyn doono habraaca qaadashada kaararka codeynta , si muwaadiniinta si habsami leh ugu helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay uga qayb qaataan hanaanka doorasho oo hufan.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, wacyigelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaamyo caddaalad ah oo ay bulshadu codku leedahay.


