Wasiirka Batroolka XJFS oo Kulan la qaatay Wasiiradda Dhiggiisa ee Dalal Kenya iyo Tanzania

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa Magaalada Cape Town Kulan kula yeeshay Dhiggiisa Dalalka Kenya iyo Tanzania, xilli uu ka qeyb-galayay Shirka Maalgashiga Macdanta.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane H.E. Hassan Ali Joho, iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Jamhuuriyadda Tanzania, Hon. Anthony Peter Mavunde (MP).

Saddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay Fursadaha ballaaran ee Maalgashi ee ka jira Dalalkooda, iyagoo si qoto dheer uga dooday noocyada kala duwan ee Macdanta iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee ay Hodanka ku yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa ay sidoo kale isla qaadaa-dhigeen sidii ay u xoojin lahaayeen Iskaashiga Saddex-Geesoodka ah ee ku Aaddan Horumarinta, maareynta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Dabiiciga ah.

Shirka ayaa si Gaar ah diiradda u saaray xoojinta Iskaashiga Saddexda Dal, si loo dardargeliyo Maalgashiga Macdanta, korna loogu qaado qiimaha Wax-Soo-Saarka Gudaha, isla markaana loo hubiyo in Kheyraadka Dabiiciga ah si waara oo Cadaalad ah looga faa’iidaysto, loogana dhaliyo Horumar Dhaqaale iyo Shaqo-Abuur ka hirgala Dalalka iyo Guud ahaan Qaaradda Afrika.