Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta (International Energy Forum – IEF).
Ka qaybgalka madashan ayaa fursad muhiim ah u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, is-weydaarsiga khibradaha iyo ka doodista mustaqbalka suuqyada tamarta adduunka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan siinaysaa horumarinta kheyraadka shidaalka iyo gaaska, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee gacan ka geysanaya kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta waaxda tamarta dalka.
Ka qaybgalka wasiirka ee madashan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee waxtarka u leh dalka iyo dadkiisa.




