Wasiirka Baatroolka XFS oo shir uga qayb galay dalka Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa maanta uga qeyb galay Magaalada London Shirka (Afrika Energy Submit).

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ah Dowlado Badan oo Afrika ah, waxaana lagu falanqeeyay horumaradda dhanka Shidaalka iyo Gaaska (Oil & Gas) laga sameeyay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa shirka ku soo bandhigay Xogta Shidaalka Soomaaliya iyo dhamaan heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen Sharciyadda Shidaalka, waxa sidoo kale qeyb ka ahaa warbixintooda horumarada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhanka Shidaalka iyo shuruucdiisa.