Wasiirka Awqaafta XFS oo kulan la qaatay maamulka Xujeyda iyo Shirkadaha Xamlooyinka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la qaatay madaxda u adeegayso xujayda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku ammaanay madaxda shirkadaha xambaara xujayda iyo Guddiga madaxda ka ah u adeegida xujayda Soomaaliyeed,Muddada labada sannada ah oo sanad hadda lagu jiro shaqadiisa.

“Ilaahay subxaana watacaalaa ayaan ugu mahad celinayaa shaqadaan nagu imtaxaanay naguna asturay, intii aan joogay labadii sano lacagta Xajka inaan wax ka dhinno maahee waxba laguma darin taasna Allaah ayaa ku mahadsan”.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa mahdiyay sida ay u maamulayso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta arrimaha Xajka, ayaga oo sheegay in loo qabtay adeegyadii ay u baahnaayeen hadda.