Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo kulan la qaatay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

Kulankan oo uu wasiirku ku wehliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdixakim Xasan Ashkir ayaa xoogga lagu saaray howlaha gurmadka degdegga ah, dadaallada maareynta musiibooyinka iyo arrimo kale.

kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii si loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ee sida uu horey u amray ra’iisul wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare.