Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo gaaray Kismaanyo

-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaaladda Kismaanyo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad gobolleedka Jubaland.

Wasiirka ayaa waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Kismaayo u yimid Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto Arrimaha Xasilinta iyo saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera Arrimaha Xasilinta.