Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Guddoomiyaha Haya’adda Nadra

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa kulan kula yeeshay magaalada Islamabad Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Kaydinta Xogta Qaranka ee Pakistan (NADRA). Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Mareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde)

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka maareynta aqoonsiga qaran, iyadoo si gaar ah loo adkeeyey doorkii ay NADRA ka qaadatay taageeridda dhismaha iyo hirgelinta NIRA, taas oo loo aqoonsaday guul muhiim ah oo horumarineed oo lagu xaqiijiyey nidaamka aqoonsiga qaran ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sii wadidda iskaashiga farsamo, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo xoojiyo nidaamyada aqoonsi qaran ammaan ah, oo lagu hormariyo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha.