Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyey kulanka Gudidda Qaban qaabada Maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta shir guddoomiyey kulankooda.

Guddigan heerkiisu sarreeyo oo loo xilsaaray xuska 64 guurada maalmaha xoriyadda ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen howlaha diyaargarowga maalmahan taariikhiga ah iyo qaabka ugu haboon ee loo fulin karo.