Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta dedaallada wadajirka ah ee Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta, Doorashooyink iyo baahinta adeegyada dowliga ah.

Waxaa sidoo kale inta uu kulanku socday la adkeeyey iskaashiga labada dhinac iyo kawadashaqeynta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya.