Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee BJFS

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali xoosh ayaa  maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo uu wehliyey Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa ka warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin; wax waxqabadka iyo Qorsheyaasha Wasaaradda, Federaalaynta, Xasillinta iyo Dib u heshiisiinta. Waxaa kale oo kulanka qeyb ka ahaa Maareeyaha hey’adda NIRA iyo Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NCRI.

Guddoonka iyo senatarada Golaha Aqalka sare ayaa sidoo kale su’aalo ka weydiiyey Wasiirka mas’uuliyadaha Wasaaradda iyo waxkaqababashada qorshayaasha iyo hortabinnada Wasaaradda.