Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay madaxda waaxda xalka waara ee wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehelinayaan wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Amb. Cabdixakiin Xasan Ashakir ayaa kulan la qaatay waaxda xalka waara ee wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Xalka waara Mudane Mukhtaar Jaamac Sugaal iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Waaxda ayaa warbixino ku saabsan waaxda la wadaagay wasiirka .

kulanka intii uu socday ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha iyo Dhamaystirka sharuucda Qabyo qoraalka Siyaasada Qaran ee Wadajir bulsho (National Cohesion policy) ,diyaarinta Siyaasada Qaran ee Muhaajiriinta (National Migration Policy) iyo Sameynta Siyaasadda Qaranka ee Megangalyo doonka ah.