Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda oo dhawaan la baneeyay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhawaan la baneeyay.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxda ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta Wasaaradda, waxa ayna u mahadceliyeen shacabkii halkaasi deganaa garowshiyaha ay ka muujiyeen in ay baneeyaan xarunta Wasaaradda kadib markii loo soo baahday xarunta in dib-u-dhis lagu sameeyo isla markaana ay ku shaqeyso Wasaaradda.