Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka kaqeybgalay Shir looga hadlayay dadaallada dib u xorreynta dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallim Fiqi, oo safar shaqo kujooga Norway ayaa kaqeybgalay mid ka mid ah fadhiyada Madasha Oslo, oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dadaallada dib u xorreynta kadib”.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku dheeraaday hannaanka dib u xorreynta dalka, howlaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xorreynayo dhawaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa ka mid ah wufuud caalami ah ee qeybta ka ah “Madasha Norway” tirsigeeda 20-aad, oo xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta dalka.