Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo danjiraha Dowlada UK kala hadlay sugida Amniga degaannada laga saaray Argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mud. Ahned Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato sugida Amniga iyo ka xoreynta guud ahaan dalka.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka, Isla markaana ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya.