Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo daah-furay kulanka farsamo ee arrimaha doorashooyinka dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta furay kulanka farsamo ee arrimaha doorashooyinka dalka ee guddiga farsamo ka talabixinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo bogaadiyay shaqada guddiga  ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo sheegay Wasiirka in xasilloonida dalka ay ku xiran tahay doorashooyinka dalka.

Guddiga Farsamo ee ka talabixinta doorashooyinka ayaa ka kooban Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliyo iyo maamulka gobolka Banaadir.