Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daah-furay kulan wadatashiga,Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray kulan ay Wasaaraddu qabatay oo ah Wadatashiga iyo Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa hadal uu hakaas ka jeediyey waxa uu ku faahfaahiyay hannaanka qaran ee Wadajir gaar ahaan dib u eegista isaga oo yiri “Geedi socodyadyada lagu yegleelaayay goleyaasha deegaanka waxay daboolka ka qaadeen caqabado iyo daldaloolo muhiim ka dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka wadajir iyada oo laga jawaabaayo dalabka muwaadiniinta ee ku aadan maamul shaqeynaya, daahfuran, xilkas ah, bixiyana addeeg bulsho, isla markaana xaqiijiya ka qeyb galka dadweynaha, waxaa la dejiyay sharciyada, siyaasada  iyo mashaariicda awood siinta dowladaha hoose. Sidaas oo ay tahay  hadana waxaa soo baxay caqabado intii lagu jiray unkidda goleyaasha deegaanada tasoo muhiim ka dhigtay, dib u eegista lagu saxaya arimahaas iyada oo la dabaqayo casharadii laga bartay  caqabadaha lagu ogaaday intii lagu jiray taabo gelinta Wadajir.

Su’aalaha addag ee kulankan ka jawaabaayo waxaa ka mid ah:

“Lix sanno ka dib xageen joognaa? Ma gaarnay Yoolka Hannaanka Qaran ee Wadajir oo ahaa dhisidda goleyaal iyo maamulo deegaan oo la doortay,  loo dhan ayahy, shaqaynaya isla markaana joogto ah taasoo lahaanshaheeda iyo maamulkeeduba leeyihiin muwaadiniintooda deegaanka, Maxaa shaqeeyay, Maxaan shaqayn iyo sababta? Maxaa Maqan oo loo baahan yahay in lagu daro?” Ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay ujeedka kulankan iyo waxa laga filan karo labada maalin ee uu socdo “Ujeedka kullankan waa Dadaal wadareedkeed ku saleysan sidii laysigu keeni lahaa aragtiyo, waaya aragnimo iyo khibrado kala duwan si loo helo hal abuur iyo  xal waara oo waxtar leh. Dadaal wadareedkeena dib u jaleecida Hannaanka Qaran ee Wadajir, wuxuu udub dhexaad u yahay fududeynta dowlad iyo bulsho dhiska dalka gaar ahaan abuuritaanka hannaanka goleyaasha deegaanka. Sidaas darteed, Labada maalmood ee soo socda  waxaan si wadajir ah u qiimeyn doonaa guuliyihii, horumarki, caqabadihii iyo casharadii sax iyo qalad laga bartay hergelinta Wadajir ee lixdii sano oo la soo dhaafay.

Waxa ka soo baxa kulankaa waxay qaabeyn doonta jihada iyo siyaasada lagu hagi doona Hannaanka Wadajir, taasoo ku wajahan xal u helida iyo wax ka qabashada baahiyaha heerka bulshada isla markaana waxay wax ka tari doonta geedi socodka iyo horumarinta guud ee  heer qaran. Waxaan ku kalsoonahay inaad wax ku biirintaada doodda wadatashiga iney noo horseedi doonta hannaan ku saleysan istaraatajiyad lagu dhisay xog saxan iyo wadatashi loo dhan yahay”.

Hanaanka Wadajir, waxaa uu ka kooban yahay 1 yool, 5 qeybood oo kala duwan, laakiin isku xiran, ahna qeybo is dhamaystiraya iyo 5 ujeedo, waana hannaan Qaran oo ka jawaabaya baahida loo qabo dib-u-heshiisiin dhab ah, hergelinta iyo horumarinta mashaariicda bulshada, wada hadalka bulshada, yagleelida goleyaasha  dowladaha hoose iyo soo nooleynta waddaniyadda. Macnaha Wadajir waa “Midnimo” waxaana  loogu talagalay in uu bixiyo nidaam isku xiran kaasoo taageerayo, isla markaana horumarinaya wadashaqayn iyo isku xirnaan xoogan oo ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda waxaana  loogu talagalay in uu bixiyo nidaam isku xiran kaasoo taageerayo, isla markaana horumarinaya wadashaqayn iyo isku xirnaan xoogan oo ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.