Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha sare ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta XFS Mud.Axmed Macalin Fiqi oo maalintii labaad ka dhagaystay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha sare ee Wasaaradda Warbixino ku saabsan howlaha shaqada ee Wasaaradda iyo qorshayaasha u hortebinta u leh shaqada Wasaaradda.
Wasiirka Waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Mudane Ilyaas Ali Hasan iyo Wasiiru Kuxigeenka Wasaaradda Amb.Abdixakiim Hasan Ashkir waxaana kulankaan warbixino looga dhagaysatay qaybaha Xasalinta, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee wasaaradda.