Wasiirka arrimaha gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Buula-burde

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya  mudane Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar ukuur-gelid ah waxaa ay ugu amba-baxeen magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Muaden Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale, kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.