Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay Pakistan

Islamabad- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan.

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxaa ay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Mudane Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiinta la socotay, waxaa ay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaangelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha.

“Qofka Banii’aadamka waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsi sharci ah, waayo ma dhici karto qofka inuu helo adeegyo sida amniga iyo cadaaladda haddii aaney dowladdu aqoonsanin”, sidaasi waxaa yiri Dhaariq Maalin oo ah madaxa hay’adda NADRA.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistaan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaayeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii nabad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

<Safarkan ayuu Axmed Macalin ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay baahi degdeg ah u aragto nidaamka diwaangelinta dadkeeda, taasi oo wax badan ka tari doonta horumarinta dowlaha hoose iyo u adeeggidda shacabka, oo ay u dheer tahay qaabka lagu hirgelin karo cadaalad bulsho, amni iyo kala dambeyn.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa rajo weyn ka muujiyey in isaga iyo wafdigiisa inta ay joogaan Pakistaan ay wax ka baran doonaan 75 sano oo qaran dhis, nidaam federaal ah iyo arrimo kale oo ay ku jiraan ladagaalanka argigixisada.

Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistaan, waxaana xusid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistaan.