Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wasiirro ka socda Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Kulanka oo looga arrinsaday dhismaha & tayeynta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Caddaaladda Arimaha Diinta iyo Dastuurka SSC General Cabdi Xasan Maxamed(Xijaar), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka SSC Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib-u-dhiska SSC Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame.