Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XJFS mudane Cali Yuusuf Cali -xoosh ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyaga oo ka wadahadlay Arimaha hortabinnada leh ee Wasaaradda.
Kulanka oo ahaa mid mirodhal ah, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka wsaaradda Cabdixakiim Ashkir, agaasimaha guud Caydaruus Macallin iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashada, hawlgalka UNTMS, iyo hawlo kale oo hortabin u leh wasaaradda iyo guud ahaan Qaranka.

