Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Wafdi ka socda UNDP iyo IESG si loo xoojiyo taageerada arrimaha doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada horumarinta (UNDP) iyo Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka (IESG).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyadda, xoojinta nidaamka doorashooyinka dalka, iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nabad-dhisidda iyo dhismaha hay’adaha doorasho ee hufan.

Wasiir Xoosh ayaa uga mahadceliyay labada hay’adood doorkooda firfircoon iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sare u qaadidda kalsoonida dadweynaha iyo hirgelinta doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Kulanka waxa uu qeyb ka yahay wadashaqeyn joogto ah oo u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka mustaqbalka ay noqdaan kuwo waafaqsan mabaa’diida dimuqraadiyadda iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.