Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta qaabilay mas’uuliyiinta Hay’adda SoDMA oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulankan ayaa looga hadlay heerka xaaladda Banii’aadnimada dalka iyada oo mas’uuliyiinta SoDMA ay soo bandhigeen warbixinno la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta, biyo iyo baad yarida iyo xalalka ugu haboon.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa Bogaadiyey shaqada SoDMA, isaga oo xaqiijiyey sida Wasaaradda iyo dowladdu uga go’antahay garab istaagga dadka nugul iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa abaaraha.

