Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyey Shirka Billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-Taliyeyaasha Sare ee Wasaaradda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa guddoomiyey shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyeyaasha Sare ee Wasaaradda.

Shirka oo ay ka qeyb-galeen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdixakiim Ashkir, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah shaqada iyo horumarinta howlaha Wasaaradda.

Qodobadii Shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa bandhigga waxqabadka Wasaaradda ee labada rubuc ee Sannadka ee dhammaaday, dhaqan-gelinta Xeerka Anshaxa Shaqaalaha, ballanqaadyada shaqo iyo muhiimadda daryeelka Xarunta Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Xoosh, oo Madasha ka hadlay, ayaa kula dardaarmay Hoggaanka iyo Shaqaalaha Wasaaradda inay si hufan u gutaan Waajibaadkooda shaqo, ilaaliyaan Anshaxa Shaqada, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka, si loo dardargeliyo Waxqabadka Wasaaradda.

 

FB_IMG_1786341786009.jpgFB_IMG_1786341783025.jpgFB_IMG_1786341786328.jpg