Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building).

Wafdigaan uu hogaaminayey Mudane Axmed A. Cabdullaahi ayaa Wasiirka lawadaagay shaqooyinka ay soo qabteen, guulihii ay ka gaareen iyo shaqooyinka hortabinta u leh oo ay doonayaan in Wasaaradda ay kala shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building) shaqooyinka ay kasoo qabteen Gobalada Dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in ay Wasaaradda si dhaw ula shaqeyn doonta, iyadoona xooga lasaaraayo hal kudhiga Dowladda ee ah (Soomaali heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah).

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdiga ayaa isla gartay in lasii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hey’adda si horumar lataaban karo loogu gaaro qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Xasilinta Deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo dhismayaasha Dowladaha hoose.