Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdiqadir Xuseen Cumar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Wasiir Cabdiqadir iyo wafdigiisa waxaa Muqdisho uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo afar maalmood ah, taasoo qeyb ka ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa kulamo la yeelan doona dhigiisa Soomaaliya, waxaana la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo ku saabsan arrimo dhowr ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Booqashadan ayaa xoojineysa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.