Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo gaaray Masar

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar iyagoo ka qayb gelaya meertada 157-Aad ee shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Qaahira.

Inta uu socdo Shirka ayaa wufuudda joogtada ahi waxa ay ka doodi doonaan ajandaha qabyo qoraalka ah ee shirka Wasiiradda, oo ka kooban 11 qodob kuwaas oo saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, maaliyadda iyo maamulka.

Sidoo kale waxa la dhegaysan doonaa warbixinta xoghayaha Guud ee intii u dhexaysay labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay.