Addis Ababa(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-Fadhigii 48aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika (AU) oo ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa Dalka Itoobiya .
Kal-Fadhigan ayaa waxa uu isu keenayaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika, ka hor Kal-Fadhiga 39aad ee Caadiga ah ee Golaha Madaxda Dowladaha iyo Dowlad-Goboleedyada Midowga Afrika, kaas oo loo qorsheeyay 14–15 Febraayo 2026. Wasiirradu waxa ay dib u eegayaan, Ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Warbixinta Shirkii 51aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC), diyaar-garowga Doorashooyinka iyo Magacaabista Hay’adaha Midowga Afrika, ka-qaybgalka Midowga Afrika ee G20, iyo Horumarka laga sameeyay hannaanka SACA.


