Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda OIC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Binu Maxamed Al-Dabiici.

“Waxaan ka wada hadalnay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha binu aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay beeralayda Soomaaliyeed, taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dhamaystirka dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalin muuqata ka qaadata howlaha ururka iskaashiga islaamka, waxaana ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo dalkeennu uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.