Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay Adis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee wasiirrada Arrimaha Dibedda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaao dardar gelinta iskaashiga dhaqaale ee Afrika iyo fududaynta ganacsiga ka dhexeeya dalalka qaaradda Afrika.

Shirkan ayaa hordhac u ah kulan ay madaxweynayaasha qaaradda 18-ka bishan uga furmaya magaalada Addis Ababa, waxaana sidoo kale, loogu tartami doonaa hoggaanka guddiyada kala duwan ee qaaradda. Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabta in ay ku guuleeysato Hoggaanka mid ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan qaaradda.