Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya ee laga gaaray doorashooyinka socda iyo arrimaha gobolka.
Dhinaca kale,Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Iyadoo manta la xusayo weerarkii argagixiso ee dhacay 14 Oct. 2017, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii loogahortagi lahaa xagjirnimada iyo Al-shabaab.