Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo booqasho ku jooga dalka Kuwait, yaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Kulanka intii uu socday ayaa labada Mas’uul waxa ay ka wada hadleen xariirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa si ay uga talaabsadaan horumaro wax ku ool ah oo ay gaaraan labada dowladood ee walaalaha ah.

Sidokale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Naasir Al-Moxammed Al-Sabaax, ayagoo kawada hadlay sii xoojinta wadashaqeynta labada dal ee soomaaliya iyo Kuwait.

Labada masuul ayaa waxay wada hadalkooda diiradda ku saareen iskaashiga iyo xariirka walaalnimo ee labada dal, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee quseeya Kuwait iyo Soomaaliya.