Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya, Mudane Fran O’Grady, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Fran, isaga oo sheegay in Wasaaraddiisu ay u diyaar tahay xoojinta iskaashiga.
Dhankiisa, Mudane Fran O’Grady ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka loo magacaabay, isaga ka warbixiyay wadashaqaynta hay’adda Mine Action ay la leedahay Wasaaradaha heer qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed, caddeeyayna in barnaamijyada wadashaqaynta ay kordhin doonaan.