Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta booqasho shaqo ku gaaray Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Wasiirka, ayaa degmada gaarsiiyay deeq isugu jirta dawooyin caafimaad, gaari ambalaas ah iyo raashiin noocyo kala duwan leh oo loo qaybiyey 500 qoys oo ka mid ah bulshada degmada gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Dhanka kale Wasiirka ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuca dhismaha terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Diinsoor, kaas oo kor u qaadi doona isku socodka, adeegyada safarka iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasiir Cabdisalaan uu ku doonayo inuu ku xoojiyo adeegyada bulshada ee Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.


