Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta xafiiskiisa wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Suleymaan Dedefo Woshe, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga istiraatiijiga, iyo wada shaqeynta dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga.


