Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ghana

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ghana u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Robert Afriyie.

Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Afriyie oo guda-galaya howlaha loo igmaday, isaga oo diiradda saaraya xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahan ee ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, carabaabayna rajada uu ka qabo soo banbixinta dhabbooyin iyo habab cusub oo kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashiga labo dhinaclaha.