Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, oo booqasho sharafeed ugu timid.

Wasiirka iyo Danjraha ayaa si qotor dheer kaga wada hadlay danaha dheef-wadagga ah ee labada dhinac.

Sidoo kale, kunkanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.