Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Masar

Baghdad:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad intii uu socday Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa Wasiir Cabdisalaan waxa uu carabaabay tixgelintiisa taageerada Masar ee nabadda iyo degannaanshaha Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay ka qeyb-noqoshadeeda Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), caddeeyayna inuu ku dadaali doono kor-u-qaadidda iskaashiga Soomaaliya kala dhexeeya Masar iyo ka faaideysiga khibradaha dhinac weliba.

Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya xilka dhowaantan loo magacaabay, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’antahay Masar sare-u-qaadidda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo tilmaamay in xiriirka labo geesoodka la gaarsiiyay heerkii ugu sarreeyay oo ah wax-wadaag istiraatiijiyadeed kadib booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira bishii January, 2025.

Wasiir Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay taageerada sugan ee Masar ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya , isaga oo xaqiijiyay in Masar ay ka go’antahay taageeridda awood-dhisidda iyo tababbaridda Soomaalida si howlgudashada hay’adaha dowladda ay u noqdaan kuwa wax-gal ah.

Labada Wasiir ayaa waxa ay isku af-garteen inay sii wadaan wada-shaqaynta dhow si loo qotodheereeyo iskaashiga jira, lana xoojiyo xasiloonida gobolka iyadoo loo marayo dadaallo wadajir ah.