Changsha:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay maanta Magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Wang Yi, oo sidoo kale ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.
Kulankan oo dhacay xilli ay socdeen Bandhigga 4aad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika, iyo shirkii Wasiirrada Isku-duwayaasha FOCAC, ayaa ku beegmay sanad-guuradii 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaana Soomaaliya ahayd waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika xiriir la sameeya Shiinaha 1960kii.
Labada dhinac waxa ay mar kale xaqiijiyeen saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa, is-ixtiraamka joogtada ah, iyo sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhawaan la kordhiyay.
Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerrada ay siisay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo suuq-geynta badeecadaha Soomaaliyeed, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta kobcinta awoodda aadanaha iyo adeegyada dhijitaalka ah, si waafaqsan qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Dhankiisa, Wasiir Wang Yi ayaa ku ammaanay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay taageeridda Shiinaha ee soo noqoshadii ay ugu soo laabatay masraxa caalamka, wuxuuna muujiyay qadarin weyn oo uu u hayo mabda’a cad ee Soomaaliya ka taagan tahay arrimaha Shiinaha. Waxa uu ballan qaaday in Shiinuhu si buuxda ula shaqeyn doono Soomaaliya si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo hoos yimaada FOCAC, kuwaas oo diiradda lagu saarayo natiijooyin muuqda oo nolosha shacabka wax ka beddela.
Wang Yi waxa uu sidoo kale sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale, isagoo dhiirrigelinaya maalgelinta shirkadaha Shiineeska ee ka shaqeynaya Soomaaliya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha, warshadaynta, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Labada wasiir waxay si buuxda u muujiyeen inay si dhab ah u garab taagan yihiin midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Waxa ay si cad u muujiyeen inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan mustaqbal ay ku saleysan tahay nabad, horumar, iyo iskaashi dhab ah oo miro-dhal ah.