Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta caqabadaha gobolka

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada  joogtada ah iyo garab-istaaggeeda, dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qotodheer loogu falanqeeyay iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.